Thursday, June 9, 2016

Qoxootiga Soomalida Qoor-qabad ku laaban maayaan!!!

Qormadaan waxaan ku taageerayaa Heshiiskii uu la gaaray madaxweynaha Dalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Dhegiisa dalka Kenya kaas oo ku aadanaa Aayaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Maalmo kahor ayey shaacisay dowladda kenya ineey dib u celineeyso qaxootiga Soomalida ee dalkeeda ku sugan taasoo walaac weyn ku abuurtay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, Hayeeshee Safar uu ku tagay Kenya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi la socday kadib ayaa waxaa dowladaasi uu lagaaray heshiis laab qaboobsi u noqday umadda Soomaaliyeed waxana uu madaxweynuhu sheegay in Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya aan si qasab ah dib loogu celin karin isagoona lasoo saxiixday heshiis sedex geesood ah oo ay ku mideysnaayeen Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hey'adda Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Kahor Safarka madaxweynaha Soomaaliya ee uu ku tagay dalka Kenya, waxa uu saxaafadda ka sheegay in uu joojin doono Khaatka, taasoo noqotay hub uu kula gorgortamo dowladda Kenya oo maalmo kahor shaacisay ineey si Qasab ah ku celin doonto Qaxootiga Soomaalida ee Dalkeeda ku sugan, Inkastoo Go'aan kaasi uu isbedelay kadib markii Dowladda Soomaaliya dhankeeda ay la tagtay Goobta shirka Go'aanka ah ineey joojin doonto Khaatka, taasoo ku kaliftay Dowladda kenya ineey ka laabato Go'aankeedii.

Heshiiska Sedex geesoodka ay ayaa waxa uu dhigayaa in Qaxootiga Soomaalida ee ku Sugan Xeryaha Dhadhaab aan si qasab ah loo celin karin, Soo noqoshadooduna ay ku dhici karto kaliya
 ciddii doonta ineey ku laabato dalkeeda si xur ah ugu laaban karto islamarkaana lasiinayo kalmo dhaqaale oo dhiirigelin u noqon karta.

Dadka falanqeeya Siyaasadda Gobolka ayaa sheegaya Go'aanka Ay Dowladda Soomaaliya ku gashay Heshiiskaasi inuu ka dhigan yahay  in dolwadda Soomaaliya ay noqotay mid Qalqaalo siyaasadeed iyo gorgortanba la geli karto dowladaha gobolka, taasoo loo arko ahmiyad siyaasadeed oo ay ku tallaabsatay Dowladda Soomaaliya.

Lahaanshiyaha Dowlad haba ahaato mid tabar daran ayaa waxa ay horseedeysaa in dowladdu ay lahaato galaangal siyaasadeed ay ku difaaci karto qaar ka mid ah dadkeeda, horaa waxaa loo yiri
"Dowla xumi waxa ay Dhaataa Dowalad La'aan".

Deegaanada Qaar ee Soomaalida waxaa ka taagan Muranno ku saleeysan Deegaameysi oo ugu danbeeyn ku biyo shubta Qabyaalad taasoo ay gadaal ka riixayaan Gacmo shisheeye oo doonaya ineey kala dhantaalaan midnimada Soomaaliya, hadaba deegaameeysi ma ugu garaabi karnaa dadkeenna ku dhibtoonaya dalalka jaarka iyo kuwa caalamigaba?.

Jawaabtu waa maya, Doc waliba ee  aad kaga nooshahay Dalka Soomaaliya waxa kaliya ee ku ilaalin karaa waa dowladnimo.

Sadaam Abdi
tel: +25261 5593943
Facebook: https://www.facebook.com/SadaamAO
Twitter: @SadaamAbdi

Saturday, April 2, 2016

Caadil Mooyee Cidna Uma Maqna!!

Burburkii dowladdii dhexe kadib dalku wuxuu galay hab qof waliba hanaankiisa nololeed uu isagu uun sugayo, waxaa burburay dhamaan kaabayaashii dhaqaale iyo hannaankii maamul ee dalka. Dadku waxa ay u qeybsameen Qeyb hore dowladda xubno ka ahaa oo keyd, garaad ama Cilmi lahaa oo durbadiiba dalka dibadda uga baxay iyagoo sii gaaray Dalalka jaarka ah sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, Islamarkaana kaga gudbay dalalka Yurub, Ameerika iyo kuwa carbeedba. Qeyb kale oo kamid ah dadkana waxa ay noqdeen kuwa hubeeysan oo dhaca iyo fowdada dalku uu galay la jaan qaaday islamarkaana dhankooda ka buursaday. Qeybtii ugu danbeysana waxa ay noqdeen dad aan dhaqaale hore laheyn Shaqaale xoogan ee dolwadeedna aan aheyn dowladdi militiriga, Nidaam iyo kala danbeyn ay ku ganbadaanna uusan jirin. Sidaa darteed tacaddiyada ugu badan  ay soo foodsaareen markii dadka intiisa badan uu hubeysmay. Ujeedada qormadeeydu maaha inaan falanqeeyo waxa dhexmaray bulshadaasi kala dhantaalantay waxaanse u socdaa halka waxbarashada dadkaasi ay ilaa iminka mareyso.
Dalka markuu galay nidaam la’aan, dagaallo sokeeye iyo Abaaro isbiirsaday bulshada kuwii u nuglaa ayaa ku aafoobay, lkn horaantii 90aadkii waxaa soo ifbaxay hannaan waxbarasho oo inta badan ay nagu caawiyeen qaar kamid ah dalalkii carabta  kuwaa oo loosoo igmaday aqoonyahanno aan dalka ka bixin iyo kuwo bariiska usoo doontay markii fursadahaasi soo if baxeen. Kuwaa oo kaashanaya Odayaasha ugu tunka weyn wadanka si ay u garab istaagaan hadii uu dhib yimaado maadaama dalku uu fowdo ku jiray ayaa waxa ay bilaabeen ineey goobo waxbarasho furaan.
Goobihii ugu horeeyay ee la aasaasay waxaa ka aflaxay dad badan oo maanta bulshada sumcad iyo magacba ku leh, Hayeeshee waxaa hareer socda in goobahaasi badankood ay ahaayeen kuwo ardada laga rabo lacago (fee) taasina waxa ay aafeeysay kumanaan qoys oo itaalkooda dhaqaale aanu u saamaxeeyn ineey caruurtoodu geeyaan Waxbarasho.
Waxaa xusid mudan dowladdii kacaanka in waxbarashada gebigeed ay lacag la’aan aheyd taasoo fursad u siineysay qof waliba oo muwaadin ah inuu waxbarto waloow xilliyadii danbe Musuqeedu uu taagnaa, Hayeeshee waxaa kasii daray ilmo awooda ineey waxbartaan waliba hibo iyo awood u leh ineey fursadaasi ku seegto sababo lacag awgeed, mana jirto dowlad ka kaalmeeyneysa ineey waxbarasho helaan, taasina waxa ay keentay in dhalin badan oo aan helin fursad waxbarasho ay noqdaan kuwa ka dhaca nolosha.

Dhalintaasi ayaa u qeybsamay kuwo darbi jiif ah oo koolo maandooriye kaleba ku cabba gidaarada iyagoo wixii ay arkaana dhibaateeya naftoodaba ha ugu horeeysee, iyo kuwo ay ladaalaa dhacaya ineey noloshooda iyo tan qoyskooduba daberaan xilli uusan dalku laheyn meelo loo shaqo tago iyo waliba cid kaa caawineysa xirfadihii shaqada, inkastoo ay jireen ururo NGOs ah oo meelo qaar ka caawiya dhilintaasi haddana mawada dabooli Karin baahiyaha dadkaasi oo bulshada sedex umeelood meel ku aadan.
Waxaa dalka soo maray dowlado intooda badan Kumeel gaar ahaa marka laga reebo Dowladda federalka ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Hogaamiyo haseyeeshee Majirin isbedel ama fursado ay helaan dadkaasi intii ay socotay Dowlad raadinta dalka, waxaase dhawaq farxaded ahaa barnaamij ay keentay wasaaraddii waxbarashada ee xukuumaddii Reysal wasaare Saacid oo xilligaasi ay wasiirad ka aheyd Maryan Qaasim, kaasoo loogu magac daray ololaha aada dugsiyada “Go To School” , halkeese buu ku danbeeyay?
Billowgii barnaamijkaan dadka intooda badan waxa ay isla dhexmarayeen ineey tahay fursaddii ugu fiicneyd waayo waxaa fursado shaqo looga abuuray macalimiin waayay fursado aay ku shaqeeyaan maadaama schooladu ay ahaayeen kuwa gaar loo leeyahay islamarkaana ay iyagu u madax banaan yihiin ciddii ay shaqaaleysiinayaan, iyo sidoo kle dadyoow aan awoodin ineey ka bixiyaan ubadkooda lacagaha wax lagu barto , waxaase barbar socday musuq ay dadku isleeyihiin in lagu sameynayo lacagahaasi loogu talagalay mashruucaasi “Aada dugsiyada”.Wasiirad Maryan Qaasim oo ka hadleysa Mashruuca Aada Dugsiyada
Lacagaha loogu talagalay mashruucaan aad buu u ballaarnaa sida wasiiradduba ay goobo fagaare ah ka sheegtay hayeeshee ma noqon mid sii shaqeeya ugu badnaan sanad. Su’aasha ay dad badani isweeydinayaan ayaa ah maadaama mashruucu ahaa mashruuc weyn oo lacag fara badan loogu talagalay halkeey qabteen lacagahaasi?. Ma isbedelka xukuumadaha ayaa saameeyay ? oo wasiiraddi la bedelay buu la bedeshay mashruucana mise kii bedelay baa la haray? Waa su’aalo dhowr ah oo muwaadin kasta oo caqligiisu saliim yahay uu isweeydinayo.
Ugu danbeeyn yeey tahay ineey kala xisaabtamaan madaxda dowladda arimihaasi, maadaama aan marqaatiyo kanahay in mas’uul kasta uu daaro dhaadheer dhisanayo waliba hanti dadkii lahaa ay ka baahan yihiin?.

Gunaanadka qormadeydu waxa weeye bulsho waxa ay ku aflaxdaa dadkeedu sida ay wax u bartaan hadii aad ku qanacdo Waalidkaa inuu awoodu inuu kugu garab istaago waxbarashada iyo nolosha inteeda kle waxaa jira walal aan intaasi awoodin dalkuna idiinka dhexeeyo. Sida ay taariikhdu warineyso waxa uu khilaafku ku yimaadaa dadka marka ay heerarkoodu kala sara maraan oo cidna ay ladan tahay cidna aay qaawan tahay waxa adag in si nabad ah ay u wada noolaadaan. 

Sadaam Abdi 
+252615593943
Mcsadaam@gmail.com

Wixii fikir ah hoos ku qor